Ciidamo ka tirsan Ahlusuna oo loo diiday in ay tagaan Magaalada Xeraale

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal ciidamo taabacsan maamulka gobolada dhexe ee Ahulusuna Wal-Jamaaca iyo Ciidamo u abaabulan hab beeleed ku dhex maray deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Saraakiil ka tirsan kuwa Ahlusuna ay tageen Magaalada Xeraale kuwaas oo doonayay in ay kaxeestaan Gawaarida nooca dagaalka ah oo ay leeyihiin dadka deegaanka balse laga biyo diiday taas oo keentay in ay wada dagaalamaan.

Inta la xaqiijiyay 1 ruux ayaa dagaalkaas ku geeriyooday halka 7 ruux oo kale ay ku dhaawacmeen kuwaas oo dhamaantood ahaa Ciidamadii wada dagaalamay.

Xaalada Goobtii lagu dagaalamay ee deegaanka Xeraale ayaa Maanta degan waxaana iminka socota waan wan ay wadaan Odayaasha Dhaqanka si xal looga gaaro dagaalkii dhacay.

Xga ay heleyso Dalsan ayaa waxa ay sheegeysaa in Saraakiil ka tirsan kuwa Ahlusuna Wal-Jamaaca balse deegaan ahaan ka soo jeeda Xeraale ay doonayaan in Gaadiidka dagaal ay kaxeestaan balse ay ishor istaageen Maleeshiyada deegaanka oo isku ilaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media