Kun Askari oo ka kala socda Toddobo dal oo ka tirsan Isbahaysiga NATO oo ay Maraykanka ka mid tahay iyo Shan Waddan oo ku yaalla Geeska Afrika oo ay Somali ka mid tahay ayaa waxa uu shalay Carbis Milliteri uga bilowday Bariga Ethiopia.
Carbiskaasi oo socon doono muddo 2 isbuuc ah ayaa waxaa looga dan leeyhaay in lagu xoojiyo Awoodda Hawlgalka Nabad-ilaalinta Afrika ka wadaan Somalia ee AMISOM.
Dowladda Maraykanka ayaana maalgelinaysa Tababarka Wadajirka, iyadoo dalalka ka qeyb galaya ay ka mid yihiin Somlia, Jabuuti, Ugnada, Ethiopia, Ruwanda, Ethiopia iyo Hawlgalka AMISOM.
Carbiskaasi oo loogu magac daray Dhoolatuska JA19 ayaa waxaa kaloo ka qeyb galaya Ciiddamo ka kala socda dalalka Maraykanka, Faransiiska, Jarmalka, Britain, Talyaaniga, Holland, Kanada iyo Braazil.
Taliyaha Ciiddanka Maraykanka ee Africa, Jeneral Roger L. Cloutier ayaa sheegay in Carbiska diiradda lagu saari doono sidii loo xoojin lahaa Awoodaha Nabad-ilaalinta ee Hawlgalka AMISOM.
Wasiiru-dowlaha Difaaca ee Ethiopia, Fiseha Woldesenbet iyo Ku-xigeenka Taliyaha Hawlgalladda Tababaradda ee Ciiddanka Ethiopia, Jeneral Habtamu Tilahun oo ka hadlay Munaasabadda Furitaanka Carbiskaasi oolagu qabtay Xarunta Nabadda iyo Taageerida Tababarka ee Bariga dalkaasi ayaa sheegay in Tababarkan Milliteri hagaajin doono Awoodaha Nabad-ilaalinta, khaas ahaan Awoodaha Dagaalka ee AMISOM.
Si kastaba ha ahaatee, waa markii 2-aad ee ay Ethiopia marti-geliyaan Carbiska Wadajirka ee JA19, iyadoo ay horey u marti-geliyeen sannadkii 2017-kii, halka ay Ugandha-na marti gelisay sannadkii hore ee 2018-ka.