HomeWararCiidamo ka goostay Maamulka Puntland oo ku biiray Somaliland

Ciidamo ka goostay Maamulka Puntland oo ku biiray Somaliland

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Ciidamo farabadan oo ka tirsnaa kuwa Daraawiishta Puntland  ayaa Maanta ku biiray Maamulka Somaliland, kuwaasi oo ku sugnaa qeyb  kamid ah Gobolka Sool, sida ay sheegayaan wararka aan halkaas ka heleyno. Ciidamadaan ka goostay Puntland ayaa ka howlgal geli jiray degmada Boocame ee gobolka Sool, isla markaana waxaa ay Maanta ku biireen Somaliland, kuwaasi oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidamo farabadan oo ka tirsnaa kuwa Daraawiishta Puntland  ayaa Maanta ku biiray Maamulka Somaliland, kuwaasi oo ku sugnaa qeyb  kamid ah Gobolka Sool, sida ay sheegayaan wararka aan halkaas ka heleyno.

Ciidamadaan ka goostay Puntland ayaa ka howlgal geli jiray degmada Boocame ee gobolka Sool, isla markaana waxaa ay Maanta ku biireen Somaliland, kuwaasi oo dhaweyn loo sameeyay.

- Advertisement -

Sidoo kale saraakiisha Somaliland ee la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidankan ay Puntland uga howlgalayeen Boocame oo ka tirsan isla Sool, balse haatan wixii ka dambeeya ay ka mid yihiin ciidanka Somaliland.

Sarkaal horkacayay ciidamada ka soo goostay maamulka Puntland ayaa ka mahaceliyay soo dhoweynta loo sameeyey, waxaana uu sheegay inay shaqeyn doonaan nabada, sidoo kalena ay xoojin doonaan howlaha lagu sugayo amniga.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiihsa ciidanka Puntland ee ka howlgala Gobolka Sool oo ay uga hadlayaan Ciidankii Maanta ka goostay, waxaana xusid midan in Somaliland iyo Puntland oo isku hayaan Sool iyo Sanaag.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts