Ciidamo iskudhaf ah oo loo sameynayo Magaalada Gaalkacyo

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa maanta gaaray wafdi uu hoggaaminayay Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey,waxaana siweyn halkaasi ugu soo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada Gaalkacyo.

Soo dhaweyn kadib Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug ayaa waxa uu la kulmay dhigiisa Puntland Cabixakiin Xaaji Cumar Cameey,iyaga oo ka wada hadlay arimo ku aadan Nabada Magaalada Gaalkacyo

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa waxa ay Galkacyo uga wada qeyb galeen Munaasabad tababar loogu furayay ciidamo iskudhaf ah oo ka kala socda labada Maamul kuwaas oo ka qeyb qaadan doona amniga Magaalada Gaalkacyo.

hada waxaa sidoo kale Gaalkacyo ka socda kulamo ay wada leeyihiin msuuliyiin ka kala socda Maamulada Puntland iyo Galmudug si loo dhaqangeliyo heshiiskii ay Gaalkacyo ugu wada saxiixdeen masuuliyiinta labada Maamul

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media