Ciidamo Huwan ah oo Caawa ku hoyanaya deegaanka Bariire

Aroornimdii hore ee Saakay ayaa waxaa deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa weerar Afarta dhinac ah ku qaaday ciidamo huwan ah oo ka kooban,Amisom kuwa dowladda iyo kuwo Cadaan ah.

Dagaal mudo saacado ah socday kadib ciidamada Huwanta y u suurtagashay in ay sibuuxda ula wareegaan deegaanka Bariire halkaas oo ay mudo dhowr sano ah Gacanta ku hayeen ciidamo ka tirsn Al-Shabaab.

Ciidamada Huwanta ah ayaa fariisimo ka samestay Duleedka degaanka Bariire,iyada oo la soo sheegayo in caawa xoogaa rasaas Goos Goos ah laga maqlay deegaanka Bariire.

Dowladda Soomaaliya weli ma faah faahin dagaalkaas iyo Khasaaraha Guud ee ka dhashay,waxana dadka deegaanka qaarkood ay sheegeen in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo labada dhinac kala gaaray.

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media