Ciidamo hubeysan oo gaaray Jowhar iyo faah faahin laga helay

Ciidamo ka tirsan kuwa kumaandooska Xoogga dalka ee DANAB ayaa gelinkii dambe ee shalay gaaray Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle, sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonaan karo oo aan helnay.

Ilo-wareedyo ayaa sheegay in Ciidamada Kumaandooska dowladda ay wateen gaadiidka nooca dagaalka, isla markaana ay safar dhinaca dhulka ah uga baxeen Magaalada Muqdisho, iyagoona Jowhar ka galay wadada xeebta ah ee Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale Ciidamada kumaandooska Xoogga dalka ee DANAB ayaa markii ay gaareen Jowhar tegay Saldhigyo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Hirshabeelle.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in Ciidamada halkaas ay u tageen sugida amniga Caasimadda Hirshabeelle iyo deegaanada kale ee ku teedsan, ayna geesay Dowladda Federaalka, welina ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Maamulkaas.

Ciidamadaas ayaa sidoo kale howlgal qorsheysan waxaa ay ka sameeyeen wadada laamiga ah ee u dhexeeysa Magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho oo dhowr jeer Al-shabaab ay halkaas ku dileen Xildhibaano, Guddoomiyeyaal Degmo iyo Saraakiil Ciidan.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa ka maqan Madaxda ugu sarreeysa dowlad Goboleedka Hirshabeelle sida Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas iyo ku-xigeenkiisa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media