HomeWararCiidamo howlgal ka sameeya Magaalada Baladweyne xilli weli uu jiro khilaaf

Ciidamo howlgal ka sameeya Magaalada Baladweyne xilli weli uu jiro khilaaf

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Maamulka magaalada Baladweyne  ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa xalay kormeeray dadaalo Booliska dowlad Goboleedka Hirshabeelle ku xaqiijinayaan amniga magaaladaasi oo ay mararka qaarkood ka dhacaan falal amni darro. Ciidamada Booliska ayaa howlgalo lagu xaqiijinayo amniga Baladweyne ka sameeyay Wadooyinka muhiimka ee ku yaalla magaaladaasi, iyaga oo baaritaano kala duwan ku sameeynayay gaadiidka noocyadiisa kala duwan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maamulka magaalada Baladweyne  ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa xalay kormeeray dadaalo Booliska dowlad Goboleedka Hirshabeelle ku xaqiijinayaan amniga magaaladaasi oo ay mararka qaarkood ka dhacaan falal amni darro.

Ciidamada Booliska ayaa howlgalo lagu xaqiijinayo amniga Baladweyne ka sameeyay Wadooyinka muhiimka ee ku yaalla magaaladaasi, iyaga oo baaritaano kala duwan ku sameeynayay gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee waddooyinka xiligaas isticmaalayay.

- Advertisement -

Howlgalka  Ciidamada Booliska ayaa intii uu socday waxaa kormeeray Guddomiyaha Degmadda Baladweyne Cumar Calasow, Taliye ku xigeenka qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Kor Muuse Cabdi Xayuuke iyo Taliyaha Saldhigga Booliska Baladweyne  X/Le Axmed Cali Aadan

Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa sheegay in howlgalka u bilaaw u yahay howlgalo is daba joog ah oo lagu xaqijin doonno amniga guud ee degmadda Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha Degmada Beledweyne Cumar Calasow ayaa sheegay in ay doonayan in Beledweyne ay ahaato Magaalo hormarsan, isla markana ay noqoto mid amnigedda lesku haleen karo.

- Advertisement -

Baladweyne ayaa waxaa weli ka jira khilaafkii ka dhashay xilka qaadistii lagu sameeyay Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, kaasi oo dhawaan la sheegay in loo doortay Madaxweynaha KMG ah ee Hiiraan State.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts