Dhageyso: Ciidamo horay uga goostay Puntland oo qorsheynaya weerar ka dhan ah maamulka C/weli Gaas

Yuusuf Dubbe oo kamida saraakiisha ka goosatay ciidamadda maamulka puntland ayaa sheegay in ay weerar ku qaadayaan ciidamadda maamulka uu horboodayo Cabdi weli Maxamed Cali Gaas.

Yuusuf Dubbe oo la hadlay radio dalsan ayaa sheegay in weerarkooda uu ka dambeeyo kadib markii ay waayeen xuquuqdooda waxaana uu tilmaamay in Cabdi Weli Gaas uu ku tagri falay.

Hadalka Sarkaalkan gadoodsan ayaa waxaa uu baqdin galinayaa shacabka ku nool deegaanadda maamulka Puntland maadama uu ku hanjabay in ay weerari doonaan xarunta maamulka Madaxweyne C/wali Maxamed Cali Gaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor