Ciidamo hor leh laguna soo tababaray Turkiga oo kasoo degay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xuseen Xaaji ayaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Cutubyo ka tirsan Ururka 7-Aad ee Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo Tababar gaar ah ku soo qaatay dalka Turkiga.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo ka hadlaayay soo dhaweynta Ciidanka yimid Caasimadda dalka ee Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Federaalka ay dadaal ku bixisay dhismaha Ciidanka Xoogga dalka.

Jeneraal Biixi ayaa tallaabada dhismaha Ciidamada uga mahadceliyay Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda xilgaarsiinta, wuxuuna sheegay inay dowladda ka go’an tahay horumarinta Ciidanka.

Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Xuseen ayaa tilmaamay in Hanaanka qoridda kumaandooska Gorgor la qorsheeyay, isla markaana xusay in Ciidamada lagu sameeyay dib u dhis ballaaran, isagoona u mahadceliyay Turkiga.

Dowladda Turkiga ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ka taageerta dhismaha Ciidamada, waxaana dalkaas tababar kusoo qaatay Ciidamo farabadan oo ka tirsan dowladda iyo Saraakiil Ciidanka, iyadoona ay horey Muqdisho u soo gaareen Ciidamo soo qaatay tababaro.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor