Sawirro:-Ciidamo Gadoodsan oo tegay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

Ciidamo ka tirsan kuwa federaalka dalka Itoobiya ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay tageen Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ku yaalla Magalada Adis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

Ciidamadaan oo boqolaal kor u dhaafaya ayaa waxa ay qabaan cabasho ku aadan in mushaar kordhin loo sameeyo,waxaana taasi ay keentay in isku-socodka dadka iyo Gaadiidka ay hakadaan,isla markaana qadka Internet-ka si KMG ah loo demiyo.

Ciidamadaas ayaa ka mid ah kuwa sida gaarka ah u tababaran,waxana ay ku sugan yihiin Afaafka hore ee Xafiiska Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed,waxana ay taasi walaac ku abuurtay bulshada Magalada Adis Ababa.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa daqiiqado kadib ciidamaas u soo baxay,isaga oo ku amray inay jimicsi sameeyaan taa soo u muuqatay mid uu ciqab uga dhigayay,waxaana daqiiqado kadib ay halkaasi ka tageen,iyaga oo farxad laga dareemayay.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Itoobiya Demeke Mekonnen ayaa ciidamada la hadlay waxana uu ka codsaday inay gutaan waajibaadka qaran ee loo dhiibay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor