Ciidamo fuliyay howlgal lagu soo qab qabtay dad Ma-soomayaal ah

Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa howlgal ay saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyeen duleedka Magaalada Garoowe kusoo qab-qabtay dad badan oo Ma soomayaal ah.

Ciidanka Booliska ayaa howlgalka ka fuliyay deegaanka laacdheere ee duleedka Garoowe, isla markaana kusoo qabtay dhalinyaro isugu jiray rag iyo dumar, kuwaasi oo ahaa dad ma soomayaal ah, kuna dabaalanayay biyo roobka dhigay togag ku yaalla deegaanka.

Taliye ku-xigeenka qeybta Booliiska Gobolka Nugaal Gashaanle Cismaan Maxamuud Buraale oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in dadka howlgalka lagu qabtay ee isugu jiray rag iyo dumar ay ahaayeen kuwo aan sooneyn, iyagoona dabaalanaayay.

Waxaa uu sheegay Taliyaha in dadkaas xiliga lasoo qabanayay ay sameeynayeen falal aan wanaagsaneyn, iyada oo lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, ayna cabasho kasoo gudbiyeen dadka laacdheere, lana xiray dadka gacanta lagu dhigay.

Ugu dambeyn Taliye Gashaanle Cismaan Maxamuud Buraale ayaa digniin u diray dhalinyarada dooneysa inay sameeyaan falalka aan wanaagsaneyn, wuxuuna Carabka ku dhuftay inay tallaabo adeg ka qaadi doonaan cidii falkaas lagu arka.

Ujeedka howlgalka la sameeyay deegaanka laacdheere ee duleedka Magaalada Garoowe ayaa waxaa uu ahaa mid lagu doonayay in dhalinyarada loga ilaaliyo in xiliyadaan oo roobabka da’aan in ay togaga ku yaalla halkaas ku dabaashan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor