Ciidamo fuliyay howlgal lagu qabtay xubno ka tirsan Al-shabaab

Ciidanka Xooga dalka iyo kuwa howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa saacadihii lasoo waxaa ay howlgal wadajir ah ka sameeyeen deeganada Gololey iyo Ceel-gelow oo hoostega degmada Balcad ee Gobalka Shabeellada Dhexe.

Inta uu socday howlgalka Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa la sheegay in lagu qabtay xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab oo ku sugnaa  Gololey iyo Ceel-gelow.

Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta Twitter-ka ee Ciidamada AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay in xubnaha la qabtay ay ku wareejiyeen Ciidanka Booliska dowladda Soomaaliya, si ay baaritaan dheeri ah uga sameeyaan.

Ujeedka howlgalka ay sameeyeen Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa uu ahaa mid lagu doonayay in lagu xaqiijiyo amniga wadada xiriirisa Magalada Muqdisho iyo Caasimadda Hirshabeelle ee Jowhar.

Al-shabaab ayaa weeraro kala duwan oo isugu jiray Qaraxyo iyo mid toos ah ka fulisay wadada u dhexeeysa Muqdisho iyo Jowhar, waxaana ugu dambeeysay maalin kahor oo halkaas lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Milateriga dowladda oo qarax lala beegsaday, xili uu ku socdaalayay duleedka Balcad.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor