Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa waxa shalay soo gaaray Cutub ka kooban 144 sarkaal oo Boolis ah oo ka socda dalka Nigeria, kuwaasi oo lagu soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde, iyagoona maray baaritaanka Caafimaad ee COVID-19.
Ciidamada ka socda Nigeria oo Boolis ah ayaa kamid noqonaya howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), iyagoona taageera siin doona Ciidanka Booliska dowladda Federaalka muddo hal sano ah, sida uu qorshahu yahay.
Qoraal dheer oo lagu daabacay Website-ka Taliska AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada soo gaaray Caasimadda dalka 30 kamid ah la geeyn doono Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan halkaas oo ku shaqeyn doonaan.
Ku-xigeenka Taliyaha Booliska AMISOM ahna Isuduwaha Howlaha Booliska Daniel Ali Gwambal ayaa sheegay in tirada kale ee Ciidamada soo hartay ka shaqeyn doonaan Muqdisho, iyaga oo tababarada ka taageri doona Ciidanka Booliska dowladda Federaalka iyo sugida amniga goobaha muhiimka ee dowladda.
Taliyaha qaybta cusub ee la geeyay, Kormeeraha guud ee bilayska (SP) Samuel Ita, ayaa sheegay in saraakiishiisu ay si weyn u doonayaan inay bilaabaan gudashada waajibaadkooda, si ay gacan uga geystaan horumarinta waajibaadka howlgalka.
Si kastaba Ciidamada cusub ee ka socda dalka Nigeria ee ee soo gaaray Muqdisho ayaa waxaa ay kusoo beegamayaan, iyada dalka Soomaaliya uu ku jiro marxalad kala guur ah, uuna khilaaf xoogan ka taagan yahay qabsoomida doorashooyinka dhacaya.