Ciidamo Boolis Ah ayaa markii ugu horeysay mudo 18 sano Ah la wareegay amniga Aqalka Dawladda Hoose .
Taliyaha booliska Soomaaliya Cabdixakiin Daahir Saciid Saacid ayaa maanta Axmed Cabbdullahi Baashane u magacaabay taliyaha amniga aqalka dowladda hoose.
Horey gudoomiye walba ciidamo Military Ah oo beeshiisa u badan ayaa sugi jiray amniga xarunta Aqalka hoose sida ay Radio Dalsan ogaatay
Ciidamada miltariga ayaa shalay loo wareejiyey xaryahooda, waxaana tallaabadaasi uu guddoomiye Taabid qaaday soo dhaweeyey dad badan oo dagan Muqdisho, islamarkaana sheegay in loo baahnaa mar hore isbadalkaas.