Ciidamadda Ilaaladda Xeebaha Talyaaniga oo U Gurmaday Muhaajiriin Soomaali Ay Ku Jiraan

Laba maraakiib oo nooca  ganacsiga ah iyo Markabka  ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa ku baxay si ay gurmad ugu fidiyaan una soo badbaadiyaan  600 oo muhaajiriin ah kuwaasoo soo diray fariin ah in si deg deg ah loogu gurmado.

Muhaajiriinta ayaa waxaa ay kasoo baxeen sabtigii aan kasoo gudubnay xeebaha dalka Liibiya sida ay shegtay wakaalada Wararka  Reuters.

Hawlgall-ka badbaadinta ee noocaan ah waa markii labaad mudo  laba maalmood, gudahooda loo sameyay tahriibiyaal kasoo baxay Libiya.

Todobadkii aan kasoo gudubnay, ayaa qiyaastii  300 oo waxaa ay isku soo dayeen in ay ugudbaan wadamaa Yurub, iyagoo isticmaalaya doomo Macmal ah.

Ciidanka Ilaalada xeebaha Talyaaniga ee Rome ayaa sheegay in maraakiibta badbaadinta ay lasoo hadleen dad saarnaa  ilaa lix doomo oo isticmaalayay telefoon satellite., oo ku suganaa meel qiyaastii 50 miles u jirta Xeebaha  Libya.

Ciidanka ilaalada xeebah dalka talyaaniga, ayaa waxaa ay shegeen in maalimihiin aan ka soo gudubnay ay wadeen, howgallo lagu badbaadinayo tahriibiyaash ka baxay wadamada qaarada Africa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor