Ciidamadda Dowladda oo Xeray Milkiilaha Laba Libaax oo Gabar Yar Ku Dhaawacay Muqdisho

Ciidamadda Boliiska Dowladda Soomaaliya ayaa xeray Milkiilaha Libaaxyo Weeraray Dhawaacna u geystay  Gabar aad u yar.

Libaaxyada oo yar yaraa waxa lagu xanaaneyn jiray Guriga Milkiilaha Libaaxyada oo ku yaala Degmada Cabdicasiis dhaawaca gabadha ayaana yimid marka ay isku dayday Gabadhasi iney soo daawato Libaaxyadasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa xanibtay in Xayawaanaadka lagu xanaaneeyo Goobaha dadka ay degan yihiin ee ah Magaaladda Gudaheeda.

Laba Sanno ka hor Laba Libaax oo lagu Xanaaneyn jiray Guriga Danjiraha Libya Ee Dalka Soomaaliya oo ka soo baxsaday Gurigiisa ayaa Cabsi weyn ku abuuray  dadka deegaanka Ee Muqdisho.

Ma jiro sharci Dastuurka ku qoran oo ogolaanaya in Xayawaanaadka Duur joogta lagu xanaaneyo Goobaha Dadka ay ku nool yihii,lkn imminka wey dhacdaa Tan iyo markii ay burburtay Dowladda Dhexe Ee Dalka Sanadkii 1990kii.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor