Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa saacadihii la soo dhaafay fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay duleedka magaalada Baraawe, gaar ahaan deegaan qiyaastii 40km u jirta magaalada. Howlgalkaan ayaa lagu burburiyay saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahayd halkaas, iyadoo laga saaray fariisimo istiraatiiji ah oo ay muddo ku sugnaayeen.
Howlgalka waxaa si toos ah u hoggaaminayay saraakiil sare oo uu ka mid yahay Taliyaha Ururka 25-aad, Gashaanle Cali Degal, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, Janaraal Aadan Yuusuf Baroon, iyo Taliyaha Xasilinta Degmada Baraawe, Ibraahim Xasan Geladow. Saraakiishan ayaa sheegay in alshabaab laga saaray dhul ballaaran oo ay horey u haysteen, islamarkaana ay ku guuleysteen burburinta xarumo muhiim ah oo ay u adeegsan jireen hawlgalladooda.
Howlgalka ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo nabadda iyo amniga deegaannada hoos yimaada degmada Baraawe, iyadoo la qorsheynayo in howlgalladaasi la ballaariyo si Al-Shabaab looga ciribtiro guud ahaan gobolka.
Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale xoojiyay dhaq-dhaqaaqyadooda amni, iyagoo ballan qaaday in howlgallada noocan oo kale ah ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijinayo xasillooni buuxda oo ka hanaqaada guud ahaan deegaannada gobolka Shabeellaha Hoose.