Mudo lix bilood ah kadib ciidamadii xasilinta Caasimadda ayaa ka guuray Koontorooladii ay ka joogeen Isgoysyada Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo ay ka wadeen baaritaanada dhanka amniga ahaa.
Qaar ka mid ah Shacabka Muqdisho ayaa indhahooda ku arkay Ciidamada oo baneynaya Koontoroolada ay ka joogeen Isgoysyada Muqdisho,waxana ka mid ahaa Isgoysyada Howl wadaag, Tarabuunka, Digfeer, Seybiyaano,Shiikh Cali Suufi iyo Xarumo kale.
In kastoo Saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya aysan faah faahin ka bixin sababaha ay ciidamadu uga guureen koontorooladaas,ayaa waxaa warar soo baxaya ay sheegayaan in ciidamada la geeyey Koontoroolada laga soo galo Magaalada Muqdisho.
Galabta ayaa waxa koontorooladii ay ka guureen Ciidamada xasilinta la wareegay ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya kuwaas oo baaraya gaadiidka Isticmaalaya Wadooyinka Muqdisho.
Arrintaan ayaa ku soo aadeysa xili shalay laba qarax ay mudo Saacado ah gudahood ka dahceyn laba koontorool oo ay ku sugnaayen Ciidamada dowladda wallow khasarihii ka dhashay uu yaraay.