Ciidamada Suudan oo ka baxay heshiikii xabad-joojinta & xaaladda taagan

Saraakiisha Suudaan ayaa sheegay in ciidamadu ay hakiyeen wadahadalladii xabbad joojinta ee ay la lahaayeen (RSF), iyaga oo ku eedeeyay kooxda in ay marar badan jebiyeen heshiisyadii hore ee xabbad joojinta.

Ciidanku waxay qaateen go’aanka “sababtoo ahRSF ma aysan fulin hal qodob oo ka mid ah qodobbada xabbad-joojinta muddada gaaban ee u baahan inay ka baxaan isbitaallada iyo dhismayaasha ay degan yihiin, waxayna marar badan ayay ku xad-gudbeen xabbad-joojinta” sidaas waxaa yiri katirsan ciidamada Suudan oo diiday in magaciisa la sheego oo lahadlay wakaalada wararka ee AFP.

Ilo dublamaasiyadeed oo Suudaani ah ayaa sidoo kale wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyay ka bixitaanka ciidanka ee wada-hadallada xabad-joojinta , oo looga gol lahaa in lagu suurtageliyo gargaar bani’aadanimo.

Labada ciidan iyo kuwa RSF si cad ugamay hadlin ka bixitaanka arrintan.

Isniintii, dhexdhexaadiyeyaal ka kala socday Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa sheegay in ciidanka iyo RSF ay ku heshiiyeen in xabad joojinta bini’aadantinimo lagu kordhiyo shan maalmood.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor