Ciidamada Soomaaliland oo la wareegay deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidmada Maamulka Soomaaliland ay saakay weerareen deegaanka Tukaraq oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Maamulka Puntland.

Dagaal kooban oo mudo socday ayaa la soo sheegayaa in uu halkaasi ku dhexmaray labada ciidan taas oo ugu dambeyn sababtay in Ciidamada Soomaaliland ay deegaankaas la wareegaan.

Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in ciidamada Somaliland oo wata gaadiidka dagaalka oo fara badan inay ku sugan yihiin tuulada Tukaraq.

Tuulada Tukaraq oo hoostagta Magaalada laascaanood ayaa tiro dhowr jeer ay ku wada dagaalameen ciidamada Soomaaliland iyo kuwa Puntland kuwaas oo sidoo kale bilihii u dambeeyay isku horfadhiyay.

Weli Saraakiisha Ciidamada Puntland kama hadlin la wareegitaanka Ciidamada Soomaaliland ee deegaanka Tukaraq ee 86km u jirta Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media