Ciidamada Serbia oo la galiyay Heegankii ugu sarreeyay

Ciidamada Serbia ayaa la geliyey “heegankii ugu sarreeyey,” waxaa sidaas sheegay Wasiirka Difaaca Milos Vucevic, isaga oo muujinaya xiriirka sii xumaanaya ee dalka ku yaalla Balkans-ka kala dhaxeeya dalka deriska la ah ee Kosovo.

Xiisaddan ayaa salka ku haysa toogashooyin ka dhacay iyo jidgooyooyin laga sameeyey waqooyiga Kosovo oo ay degan yihiin dad asalkoodu yahay Serbiyiin.

Kosovo ayaa 2008 ku dhowaaqday madax-baani ay kaga go’day Serbia, hase yeeshee Belgrade ayaa diiday inay aqoonsato, waxayna ku dhiiri-gelisay 120,000 oo Serbiyiin ah oo dalkaas ku nool inay diidaan sharciyadda Pristina — gaar ahaan waqooyiga dalkaas oo Serbiyiinta ay ka yihiin aqlabiyadda.

Ciidamada Serbia ayaa dhowr mar heegan la geliyey sanadihii tegay sababo la xiriira xiisadda kala dhaxeysa Kosovo — waxaana ugu dambeeyey bishii November kadib markii Belgrade ay sheegtay in diyaarado drone ah oo ka yimid Kosovo ay soo galeen hawadeeda.

10-kii December, Serbiyiinta waqooyiga Kosovo waxay waddooyinka ku gooyeen dhagxaan, si ay uga mudaaharaadaan xarigga sarkaal hore uga tirsanaa booliska oo lagu tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa weerarro ka dhan ah saraakiisha booliiska ee isirkoodu yahay Albaaniyiinta.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor