Ciidamada Ruushka oo qabsaday Magaalo ay ku hareereysnaayen laba todobaad

Wasaaradda difaaca dowladda Ruushka oo sheegtay in ciidankoodu qabsadeen qaybo ka mid ah magaalada Mariupol ee dhacda koonfurta bari ee Ukraine.

Mariupol ciidamada Ruushka ayaa ku harraareysnaa muddo laba toddobaad ah, waxaana ka dhacay dagaaladii ugu ba’anaa, iyadoo dad badan ay ku dhinteen hanti aad u badanna ay ku burburtay dirirta.

Duqa magaalada Mariupol ayaa sheegay in 90% dhismayaashii magaalada ay burbureen.

Haddii ay dhab noqoto sheegashada Ruushka waxay noqonaysaa Mariupol magaaladii labaad ee ugu wayn Ukraine ee ay gacanta ku dhigaan ciidamada Raashiya.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Ukraine oo ku aadan sheegashada Ruushka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor