Ciidamada Ruushka oo isaga baxay goobo muhiim ah oo ka tirsan Ukraine

Ciidammadii Ruushka ee haystay warsaddii hore ee laga dhalin jiray quwadda nukliyeerka ee Chernobyl ayaa halkaas isaga baxay, sida ay sheegeen shaqaalaha warshaddaasi.

Sida ay tibaaxday shirkadda qaranka ee nukliyeerka Ukraine ee Energoatom, shaqaalaha ku sugan warshadda ayaa sheegay in haatan aanay jirin “cid iyaga ka baxsan” oo goobtaasi ku sugan.

Goor sii horraysay, shirkadda waxa ay sheegtay in ciidammada Ruushka ay u ruqaansadeen xadka Belarus, iyagoo halkaas uga tagay koox yar.

Ku dhawaaqista ayaa u muuqata mid lagu xaqiijinayo warar ay sheegeen saraakiil sarsare oo ka tirsan gaashaandhigga Mareykanka kuwaas oo Arbacadii sheegay in goobtaas uu Ruushku isaga baxayo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor