Ciidanka Booliska Maamulka Puntland ee Gobolka Bari ayaa waxaa ay saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan ka sameeyeen Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, waxaana howlgalkaas laga helayaa faah faahino.
Inta uu socday howlgalka ay sameeyeen Ciidanka Booliska Gobolka ayaa waxaa ay kusoo qabteen Askari ka tirsan Ciidanka Booliska oo si bareer ah qof shacabka ah ugu dilay gudaha Magaalada Boosaaso, kadibna baxsaday.
Taliyaha qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka amniga ay ku guuleysteen soo qabashada Askari dil u geystay qof shacab ah oo aan waxba galabsan.
Sidoo kale Taliye Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in laga soo gudbay waqtigii Askari inta dil u geysto qof shacab ah, kadibna uu baxsado, waxaana uu tilmaamay in Askariga la soo qabtay sharciga la marsiin doono.
Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa horey uga dhacay dilal Askar ka tirsan Ciidanka Booliska Maamulka Puntland ugu geysteen dad shacab ah, kuwaasi oo qaarkood baxsaday, halka kuwo kalena la qabtay.