Ciidamada Amniga dowlad Goboleedka Puntland PSF ayaa howlgal qorsheysan waxaa ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Ciidamada ayaa howlgalka sigaar ah uga sameeyay Guro ku yaalla Boosaaso oo bartilmaameed u ahaa, isla markaana inta uu socday howlgalka waxa lagu soo qabtay qabtay tirro dad ah, kuwaasi oo looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab iyo Daacish.
War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Ciidanka amniga ee Puntland PSF ayaa waxaa lagu sheegay in dadka lagu soo qabtay howlgalka ay doonayeen in Agabyo ay u gubiyaan dad kale oo xiriir la leh iyaga kuna sugan buuraha Cal Madow iyo Cal Miskaat ee Gobolka Bari
“Ciidamada Amniga Puntland PSF oo muddooyinkan dambe ka waday gudaha magaalada Boosaaso howlgal ayaa (22-ka March 2020) waxay gacanta ku soo dhigeen shakhsiyaad lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin Al Shabaab iyo Daacish Iyo agab la doonayey in loo gudbiyo Koox kale oo dhuumaalaysta buuraha Cal Madow iyo Cal Miskaat” ayaa lagu yiqi qoraalka kasoo baxay Taliska Ciidanka PSF.
Ugu dambeyntii Saraakiisha Ciidanka amniga ee PSF ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka uu ahaa mid lagu xaqiijinayo amniga Magaalada Boosaaso oo mudooyinkii dambe ay ka dhacayeen weeraro iyo dilal qorsheysan oo loo geysanayay Mas’uuliyiin iyo Askar ka tirsan Ciidanka Puntland.