Wararka aynu ka heleyno deegaano ka mid ah maamulka Puntland ayaa ku waramaya in ciidamada maamulkaas, iyo kuwo Ajaaniib ah ay wadaan howlgal ay doonayaan inay ku soo furtaan Markab Shidaal oo dhawaan kooxo Burcad-badeed ka afduubteen deegaanada maamulkaas.
Saraakiisha ciidamada Puntland ayaa sheegay inay weerar ku yihiin kooxda ka danbeysay afduubka, islamarkaana ay doonayaan inay ka soo furtaan markabkaas kooxda Burcad-badeeda,iyagoo sheegay in howlgalo gaar ah ay socdaan laguna doonayo in markabkaasi lagu soo qabto.
Koox Burcad-badeed soomaali ah ayaa dhawaan markabkaasi ka afduubtay xeebaha Puntland, waxaana la sheegay in kooxda ay ku heysato deegaanka Caluula oo ka mid ah Puntland,iyagoo dalbanayo in laga siiyo lacag madax furasha ah.