Ciidamada NISA oo Muqdisho ku qabtay Xubin ka tirsan Daacish-ta Soomaaliya

Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa shaacisay inay Gacanta ku dhigtay Xubin muhiim ah oo ka tirsan Kooxda Daacish-ta Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Hay’adda NISA oo la soo dhigay Barta twitter-ka ayaa lagu sheegay in howlgal laga sameeyay muqdisho lagu qabtay Xubintaas oo Kooxda Daacish u qaabilsanaa u kala gudbinta Dhaqaalaha Wadamada kale ay ka jiraan Daacish.

Ciidanada Amniga ayaa fiidnimadii xalay oo ku beegan 13-ka Nofembar 2018, Magaalada Muqdisho kasoo qabtay shakhsi ururka ISIS ee Soomaaliya iyo Xagjirka wadamada kale ka jira u kala gudbin jiray dhaqaalaha. Qabashada shakhsigan ayaa dhantaalaysa marinada dhaqaale ee ISIS.

NISA mashaacin Xaafada ama degmada laga soo qabtay Ninkaasi iyo Magaciisa intaba,waxaana NISA ay horay u shaacisay inay qabatay Xubno Sar sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor