Ciidamada Kenya oo isaga baxay deegaan muhiim ah oo ka tirsan Gobolka Gedo

Wararka aan ka heleyno Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in  saakay Waaberigii hore Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ay isaga baxeen deegaan ka tirsan Gobolkaaas.

Ciidamadii Kenya ee ku sugnaa deegaanka lagu magacaabo Faafax dhuun ee ku yaalla Gobolka Gedo ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay gabi ahaanba isaga baxeen,waxaana halkaasi ay ku lahaayeen Saldhigyo Militeri.

Dad ku sugan Gobolka Gedo ayaa sheegay in dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab oo wata gaadiidka dagaalka ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Faafax dhuun,isla markaana fariisimo ka sameeystay deegaanka.

Sidoo kale waxaa la soo sheegayaa in Ciidamada Kenya inta aysan ka bixin Faafax dhuun hawada ay ka saareen Isgaarsiintii deegaankaas,waxaana weli hawada ka maqan Isgaarsiintii ka shaqeeyn jirtay halkaasi.

Deegaanka Faafax dhuun oo ah mid istitaatiiji ah ayaa qiyaastii 80Km dhanka galbeed uga beegan magaalada Baardheere waana deegaan istiraatiiji ah oo isku xira inta badan Magaalooyinka Gobolka Gedo.

Todobaadkii la soo dhaafay ayay aheyd markii dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab oo weeraro isugu jiray qaraxyo  iyo mid toos ah ay ku qaadeen Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Kenya,kuwaasi oo ku socdaalayay wadada xiriirisa deegaannada Faafaxdhuun iyo Girilleey ee Gobolka Gedo.

Weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada dowlada ee ku sugan Gobolka Gedo oo ay uga hadlayaan ka bixitaanka Ciidamada Kenya ee deegaanka Faafax dhuun.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media