Ciidamada Jubbaland oo soo Bandhigay rag katirsan Al-shabaab.

Ciidamada Nabad Sugida maamulka Jubbaland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen laba ruux oo ay sheegeen inay katirsanyihiin dagaalamayaasha Al-shabaab.

Baaritaan ciidamada ay ka sameeyeen magaalada Balad-xaawo ee gobolka gedo ayay kusoo qabteen ragaasi, kadib howgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen magaaladaasi.

Taliyaha ciidamada Nabad Sugida Jubbaland ee gobolka Gedo Cali Abshir Xasan ayaa sheegay in labadaasi ruux ay kasoo qabteen magaalada,islamarkaana ciidamadu ay daba joogeen waayadaan danbe oo uu xusay inay ka danbeeyeen falalka amaan darri ee magaaladaas.

Taliyaha ayaa tilmaamay inay xoojin doonaan amaanka oo ay ka hortagi doonaan falalka amaan darri ee Beled-xaawo iyo Guud ahaan gobolka Gedo.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media