Ciidamada Jubbaland iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay deegaano ka tirsan J/hoose

Wararka aan ka heleeyno Deegaano ka tirsan jubbada hoose ayaa sheegaya in ciidamada maamulka jubaland ay weerar  ka fuliyeen deeganka uufow  oo ka tirsan gobolka jubbda  Hoose isla markaana uu halkaas ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada Jubbaland iyo Alshabaab.

Deegaanka uufow oo dagaalku ka dhacay  ayaa 30Km ujira deegaanka Cabdilla Biroole oo ka tirsan gobolka  jubbda hoose

Waaxana halkaasi uu weerar xoogan ku dhaxmaray ciidamada jubbaland iyo xubno ka tirsan Al-shabab oo halkaasi ku sugna.

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee deegaanka Cabdalla Biroole ayaa warbaahinta Jubbaland u sheegay in intii uu weerarku socday ay ku dileen sadax xubnoo oo ka tirsan Alshabaab.

Inkastoon aysan jirin wararka ka maxbanan oo xaqiijinaya khasaaraha ka dhashay weerarkaas.

Dhankale Al-shabaab Ayaa iayuna wax war ah kasoo saarin weerarkaasi.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media