Ciidamada Itoobiya oo helay Gantaalo dhowr ah oo u qarsanaa Tigree-ga

Ciidanka Itoobiya ayaa sheegay in ay heleen 13 gantaal oo lagu qariyay baqaar si gaar ah loo leeyahay oo ku yaala magaalada Mekelle ee xarunta gobalka Tigray.

Gantaalada ayey tilmaameen ciidanka Itoobiya in yihiin noocii ay TPLF u adeegsatay weeraradii ay ku qaaday magaalooyinka Bahr Dar ee ismaamulka Amxaarada iyo magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea.

Waxay sheegeen ciidanka dowladda federaalka Itoobiya  in 7 gantaal laga isticmaalay oo ay heleen sanduuqii laga bixiyay, kuwaasi oo Ciidamadii Ismamulka Tigree-ga u adeegsan jireen dagaal Ciidanka Itoobiya ay la galeen.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Tigree-ga ayaa waxaa dhexmaray horaantii bishaan dagaal xoogan oo socday muddo ku dhow afar todobaad, isla markaana waxaa ka dhashay khasaaro lixaad leh oo soo kala gaaray labada dhinac, wallow markii TPLF laga guuleystay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media