Wararka naga soo gaaraya Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in qaar ka mid ah Ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa Magaaladaas ay bilaabeen in ay isaga baxaan.
In kastoo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Maamulka Galmudug aysan shaacin sababta bixitaankooda Ciidamada Itoobiya ayaa hadana waxaa lagu soo waramayaa in ay u dhaqaaqeen dhanka Xadka Gobolka Galgaduud uu la leeyahay Itoobiya.
Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug oo aan la xiriirnay sidoo kale xaqiijiyey bixitaanka Ciidamada Itoobiya,oo Saldhigyo qaar ka guuray halka kuwo kale ay ku sugan yihiin.
Masuuliyinta ayaa waxa ay sheegeen in wax saameyn ah ku yeelan doonin ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee dhuusamareeb,isla markaana ay ku filan yihiin ammaanka.
Ciidamada Itoobiya ayaa mudo ka badan 7 Sano waxa ay ku sugnaayeen Dhuusamareeb,iyaga oo Ciidamada Ahlusunna ee la midoobay Galmudug kala qeyb qaatay dagaal ay la galeen Al-Shabaab.