Ciidamada fallaagada Tigray oo qirtay in lagala wareegay magaalo muhiim u ahayd

Ciidamada fallaagada Tigray ee ku sugan waqooyiga Itoobiya ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa xulufadooda ah ay galeen magaalada muhiimka ah ee Shire.

Isniintii xukuumadda Addis Ababa waxay sheegtay inay la wareegeyso maamulka garoomada diyaaradaha ee Tigray.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey António Guterres ayaa sheegay in ‘xaaladda Itoobiya ay faraha ka baxday’, wuxuu ku baaqay in si deg deg ah loo bilaabo wadahadallada nabadeed ee lagu soo afjarayo colaadda.

Wuxuu intaa ku daray in aan la helin xal militeri oo lagu joojinayo dagaalka u dhexeeya ciidamada Itoobiya iyo jabhadda Tigray.

Xoghayaha guud ayaa sidoo kale ku baaqay in ciidamada Eritrea ay isaga baxaan halkaas kuwaas oo ka barbar dagaallamayay ciidamada Itoobiya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor