Ciidamada Dowladda oo Muqdisho ku rasaaseeyey dad Shacab ah

Wararka naga soo gaaraya degmada Wadajir ee Gobolkan Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada dowladda ay rasaaseeyeen Dhalinyaro ku sugneyd goob uu dab ka kacay.

Rasaaseynta dhalinyarada ayaa timid,ka dib markii ay dhagxaan ku tuureen gawaarida dam damiska Gobolka Banaadir oo tegay goobtii uu dab ka kacay,iyaga oo sheegay in ay soo daaheen,isla markaana aysan imaan xilligii loo baahnaa.

Inta la xaqiijiyey laba ka mid ah dhalinyaradii ka qeyb qaadaneysay deminta dabkaas ayaa ku dhaawacantay rasaastii ay ciidamada ku fureen,kuwaas oo dhaawacooda loo qaaday mid ka mid ah isbitaalada Muqdisho si loo daaweeyo.

Dabka ayaa waxa uu ka kacay Guri ku yaalla degmada Wadajir gaar ahaan agagaarka Maxkamadii hore,waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in uu baabi’iyey hantidii taallay guryo ay deganaayeen afar qoys uu uu dabku ku faafay.

Dhacdada lagu tuuryeeyey gawaarida dab damiska Gobolka Banaadir ayaan aheyn mid ku cusub degmada Wadajir,waxaana mar walba dhacda in dadka ku sugan goobaha dabka uu ka kaco ay dhagxaan ku tuuraan gawaarida markii ay soo daahaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media