Ciidamada Dowladda oo Maanta la wareegay Degmada Istiraatiijiga ah ee Runir-good

Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan degmada Runirgood ayaa sheegaya in Maanta degmadaas gacan ku heynteeda ay la wareegeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaan macwiilseyda.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jeneraal  Cabdullaahi Cali Caanood  ayaa Wakaaladda SONNA u xaqiijiyay in ay ciidamada la wareegeen guud ahaan degmada, Istiraatiijiga ah ee Ruun-nirgood.

Afhayeen Cabdullaahi Caanood ayaa tilmaamay in haatan ciidamada xoogga gaar ahaan kuwa miino baarista ay degmada ka wadaan howlgalo lagu baarayo miinooyin qaraxyo ah oo ciidamada ay uga shakisan yihiin in lagu aasay qeybo kamid ah degmadaas.

Ma jirto faah faahin intaas dheeraad ah oo uu Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka bixiyey la wareegida degmada Runirgood oo muddo badan ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Degmada Ruunirgod waa degmo ku taal Koonfur Bari ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle, waxa ayna qiyaas ahaan u jirtaa magaalada Muqdisho 264 KM, waana degmo dhacda xadka kala qeybiya Galmudug iyo Hirshabelle dhanka xeebta.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor