Ciidamada Dowladda oo la wareegay degaano hor leh kana tirsan Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan Ururada 83-aad iyo 84-aad, guutada 14-October ee Xoogga dalka iyo kuwa ATMIS qeybtooda Janaale ayaa howlgalo culus oo ka dhan ahaa Al-shabaab waxaa ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan  Gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegay in Al-shabaab laga saaray tuulooyinka Cabananey, Beeraha bay, Siigaale, Malable iyo Buulo aruundi oo dhamaantood hoostaga deegaanka Janaale ee Shabeellaha Hoose.

Taliyaha Ururka 84-aad, guutada 14October Laba xidigle Cali Mahdi Beerdiide oo Howlgalka hogaaminayay ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in howlgalka inta uu socday inay ku guuleysteen soo saarista Miinooyin ay Al-shabaab ku aaseen wado.

Wuxuu intaas kusii daraya Taliyaha in miinooyinka laga soo saaray wadada isku xirta deegaanada Buufow Bacaad iyo Janaale oo ay doonayeen Shabaabka in lagu dhibaateeyo shacabka, isagoona sheegay in Al-shabaab khasaaro lagu gaarsiiyey howlgalka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa muddooyinkii dambe howlgalo ka dhan ahaa Al-shabaab waxaa ay ka wadeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada dalka gaar ahaan Gobolka Hiiraan oo ay kula wareegeen deegaano dhowr ah oo ku yaalla halkaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor