Ciidamada dowladda oo la wareegay deegaano ka tirsan Sh/dhexe

Ciidamada dowladda fedraalka Soomaaliya ayaa Alshabaab kala wareegay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe kadib markii ciidamadu halkaas ay ka sameeyeen howlgallo xiriir ahaa.

Deegaanada ciidamadu ay ka sameeyeen howlgalka ayaa hoostaga degmada Balcad waxaana maamulayay Alshabaab,saraakiisha ciidamada ayaa u sheegay warbahinta gudaha in ay la wareegeen dhamaan deeganada uu howlgalku ka dhacay.

Taliyaha qeybta 27-aad ee milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen deegaanada kala ah Shanlow,Saarsaare,Xansholey iyo Cadayga oo dagaalamayaasha Alshabaab ay kuxooganaayeen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media