Dad u badan dhalinyaro ayaa waxa ay banaanbax ka dhigeen Isgoyska Fagax,kuwaas oo ka careysan dil xalay Nin darawal Mooto Babaajla ahaa loogu geystay halkaas.
Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa xirtay laga soo bilaabo Isgoyska Toowfiq ilaa Shakti Tailor oo ah Goob dharka lagu tolo,waxana ay ku dhawaaqayeen in gacanta lagu dhigo Askari ka dambeeyay dilka Ninka Darawalka ahaa.
Ninka darwalka ahaa ee la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Axmed Jiile Qaroole,waxanaa la sheegay in uu dilkiisa ka dambeeyay askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Dadka ka careysan dilkaas ayaa Laamiga kasoo bilaawdo Isgoyska Fagax ilaa meel u dhow Hotel Towfiiq ay ku gubeen taayaro,iyaga oo u diidaya inay Gaadiidka isticmaalaan.
Wariye ka tirsan Radio Dalsan oo soo maray goobta banaanbaxa ka jiray ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay tageen Goobta,isla markaana ay isku-dayayaan inay kala eryaan dadka banaanbaxa dhigaya.
Ninka la dilay ayaa ka mid ahaa Wadayaasha Mooto bajaajta,waxaana sidoo kale uu horay u wadi jiray mid ka mid ah Gawaarida Homeyda loo yaqaano ee ka Shaqeeysa degmooyinka Gobolkan Banaadir.