Ciidamada dowladda oo gacanta ku dhigay Sargaal ka tirsanaa Al Shabaab

Ciidamada Amaanka Soomaaliya ayaa Maanta howlgalo baaritaano Ah waxaa ay ka sameeyeen Hotelo ku yaala Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Howlgalka ayaa laga Sameeyay Hoteelada Kismaanyo Kow iyo Kismaanyo Labo ee ku yaala Degmadda Howlwadaag.

Ciidamada Sirdoonka Qaranka ayaa la tilmaamay in ay gacanta ku dhigeen Sargaal ka tirsanaa Al shabaab kaas oo ku sugnaan Hotelka Kismaanyo Labo.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Maxamed Yuusuf Cusmaan ayaa digniin u diray milkiilayaasha hotelada Muqdisho.

Dhinaca kale Taliyaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka qaranka C/raxmaan Maxamed Tuuryare oo gaaray Hotelada Howlgalka laga Sameeyay ayaa sheegay in Hoteladda Kismaanyo Kow iyo Labo ay la wareegtay Dowladda Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor