Ciidamada dowladda oo howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ka wada gobolka Sh/hoose

Ciidamada dowladda fedraalka Soomaaliya ayaa howlgallo ka dhan ah Al-shabaab waxa y ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose gaar ahaan deegaanada hoostaga degmooyinka Awdheegle iyo Barri oo dhawaan ay kala wareegeen Alshabaab.

Howlgalkaan ayaa waxaa qeyb ka ah ciidamada Danab gaar ahaana kuwii dhawaan lagu soo tababaray dalka Turkiga waxaana ay qeyb ka ahaayeen ciidamadii Alshabaab kala wareegay degmada Awdheegle.

Taliyaha ciidanka Lugta ee Soomaaliya Gen: Odawaa Yuusuf Raage ayaa dhowr jeer sheegay in ciidamadu ay kusii si qayaan deegaano muhiim u ahaa Al-shabaab waxaana uu kormeer ku tegay degmada Awdheegle iyo deegaano kale oo howlgaladu ka socdaan.

Alshabaab ayaa la aaminsanyahay in culeyska ugu badan ay kala kulmayaan howlgalada ka socoda gobolka Shabeellaha hoose kadib markii ay gacantooda ka baxeen tuulooyin iyo deegaano kale oo fariisimo muhiim ah u ahaa dagaalamayaasha Shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media