Ciidamada Dowladda oo howlgal wado furis ah ka bilaabay Hiiraan

Ciidamada xoogga dalka qaybta gobolka Hiiraan ayaa wada qorshayaal lagu dar dar galinayo howlgallada ka dhanka Al-Shabaab, si dib la isugu furo waddooyinka gobolka.

Taliyaha guutada 5aad ee ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan qaybta gobolka Hiiraan G/sare: Faarax Cali Waasuge ayaa sheegay inay muhiim tahay sidii wadajir gobolka looga saari lahaa Al-Shabaab, isla markaana laga hortago falalka xiliyada qaar halkaas ka dhaca.

“Waxaaan rajaynaa oo in la sugo amniga gobolka oo aan ka tashanno sidii deegaannada gobolka looga ciribtiri lahaa Al-shabaab, waxaan ciidamada farayaa inay sugaan amniga oo ay si wanaagsan ula shaqeeyaan shacabka, waxaana nagala rabaa inaan dib u furno waddooyinka muhiimka ah ee gobolka oo aan sugno Nabadgalyada” ayuu yiri.Taliye Faarax Kooshin.

Ciidamada qalabka sida ayaa dhawaan ku guuleystay inay la wareegaan deegaanno horleh oo ka tirsan gobolka Hiiraan,waxayna qorsheynayaan sidii loo joogtayn lahaa howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media