Ciidamada dowladda oo gacanta ku dhigay Sarkaal dhaawac ah oo ka tirsan Alshabaab

Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa howlgallo qorshaysan ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan kuwaas oo ay sheegeen in ay ku qabsadeen deegaano ay maamulayeen Alshabaab.

Howlgalkaan oo uu hogaaminayay taliyaha gutada 22-aad qeybta 27-aad ee milatariga Soomaaliya  kornel baakay Dal jir  ayaa lagu qaaday deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan gaar ahaana Buula-burde iyo Shaw,iyaga oo ay saraakiishu sheegeen in ay ku qabsadeen deegaano hor leh.

Dhianaca kalana taliska qeybta 27-aad ayaa sheegay intii uu socday dagaalka u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Alshabaab in ay gacanta ku dhigeen sarkaal dhaawac ah oo ka tirsan Alshabaab in kasta oo aysan shaacin magaciisa iyo halka lagu dhaawacay.

Ugu dambeyntii saraakiisha milatariga ayaa dalsan u sheegay in howlgalku uu sii socon doono inta Alshabaab laga saarayo gobolada dalka gaar ahaanna deegaanada gobolka Hiiraan.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media