Ciidamada Dowladda oo fuliyay howlgal wado furis ah iyo xubno la dilay

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay howlgal wado furis ah ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Howlgalka ayaa waxaa hogaaminayay Taliyaha Ururka 41aad Guutada 5aad Qaybta 27aad Xoogga Dalka Dhamme Cabduqaadir Cali Nuur, waxaana uu sheegay in howgalka laga fuliyay inta udhexeeysa Magaalooyinka Buulo-Burde iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Taliye Cabduqaadir Cali Nuur oo la hadlay Idaacada Codka Ciidamada ayaa waxaa uu sheegay in Ujeedka howlgalka uu ahaa sidii wadadaas looga saari lahaa xubnaha ka tirsan  Al-shabaab ee hallaas ku leh fariisimaha.

Isaga oo sii hadlaayay ayaa waxaa uu tilmaamay in howlgalka inta uu socday lagu dilay Afar kamid ah Al-shabaab, isla markaana ay badbaadiyeen sadax gaari oo ay lahaayeen dad shacab ah waa sida uu hadalka u dhigay.

Taliyaha Ururka 41aad Guutada 5aad Qaybta 27aad Xoogga Dalka Dhamme Cabduqaadir Cali Nuur ayaa xusay in howlgalka noocaan oo kale ee wada furista ah uu Gobolka Hiiraan ka sii socon doono.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media