Ciidamada Dowladda oo Al-Shabaab kala wareegay deegaano ay maamulayeen

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay la wareegeen deegaanka Dhanaane ee gobolkaas.

Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa gudaha u galay deegaanka Dhanaane halkaas oo ay Gacanta ku hayeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa Dalsan waxa ay u sheegeen in Al-Shabaab ay deegaanka Dhanaane,isaga baxeen,isla markaana ay ka war heleen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda oo gudaha deegaanka soo galay.

“Mudo daqiiqado ayay Ciidamadu rasaas ridayeen,mana jirin cid u jawaabtay laakin weli waa ay ku sugan yihiin waana millateri oo gaadiid farabadan wata ayuu yiri qof ka mid ah dadka ku nool deegaanka dhanaane oo diiday in Magaciisa iyo codkiisa loo adeegsado Qalabka Warbaahinta.

Wararka kale aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada la wareegay ay ka tageen Xero Ciidan oo ku taalla deegaanka Ceeldheere oo ka mid ah deegaanada xeebta ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa waxa ay ku waramayaan in ciidamada Dowladda ay deegaanka Dhanaane ka sii dhaqaaqeen,isla markaana ay aadeen dhanka deegaanada Jilib Marka iyo Gandarshe balse aysan ogeyn halka ay ku wajahan yihiin.

Saraakiisha ciidamada Dowladda iyo Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose weli wax faah faahin ah kaba bixin deeganada ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose oo ay Maanta ay Ciidamada Dowladda kala wareegeen Al-Shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor