Ciidamada Dowlada oo Alshabaab kala wareegay deegaanka Gamboole ee Gobolka Sh/Dhexe.

Aroortii hore ee Sabtidii maanta ayaa Ciidamda Xooga Dalka Gaar ahaan kuwa loo yaqaano Danab waxa ay Howlgal Qorsheesan kula wareegeyn Deegaanka Gamboole oo dhanka Galbeed kaga toosan Magaalada Jowhar ee Caasimada Hirshabeelle.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamada ay howlgaalkaa qaadeyn, kadib markii ay heleen Xog ku aadan in AlShabaab ay deegaanadaa  isugu yeereyn Ganacsatada Jowhar,Howlgalkaana lagu fashiliyay kulankii dhexmari lahaa Ganacsatada iyo Alshabaab.

Dadka deegaanka ayaa lagu soo waramayaa in ay soo foodsaartay cabsi la xiriirta in Shabaabku ay weerar kusoo qaadaan Deegaanka laga qabsaday,waxaana adag in xog rasmi ah laga helo khasaaraha ka dhashay Dagaalka dhexmaray labada dhinac.

Ciidamada Dowlada ee gaaray Deegaanka Gamboole ayaana fariimo cusub ka sameyntay Duleedka iyo Bartamaha Deegaankaasi.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media