Ciidamada Danab oo howlgal ka wada deegaano ka tirsan Gobolka Sh/hoose

Ciidamada xogga dalka gar ahaana kuwa Danab ayaa howlgalo waxa ay ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose kuwaas oo ay kula dagaalamayaan Alshabaab,waxaana saacadihii la soo dhaafay ay dhaq-dhaqaaqyada ciidamadaan laga dareemayay gobolka.

Deegaanada ay howlgalada ka wadaan cidamada Danab waxaa ka mid ah Leego,Yaaq-baraweyne iyo deegaano kale oo ay maamulaan Alshabaab iyada deegaanada qaar ay ka dhaceen iska hor imaadyo aan badnayn.

Saraakiisha ciidamada ayaa dalsan u sheegay in u jeeda iyo hadafka ay ka leeyihiin howlgaladaan ay yihiin sidii ay ula wareegi lahayeen dhamaan gobolka Shabellaha hoose,iyada oo ay xusid mudanthay in howlgalo kale ciidamadu shalay ay ka sameeyeen deegaanada Sabiib,Caanoole iyo goobo kale.

Comments
Loading...