Ciidamada Danab iyo Gor-gor Howgallo ka dhan ah AL-Shabaab ka sameeyay Galgaduud

Ciidamada Kumaandooska Qaranka ee Danab iyo Gor-gor  ayaa howlgal ka dhan ah dagaalamaayasha AL-Shabaab, waxaa ay ka sameeyeen Deegaanka Baraag Shiikh caamir ee gobolka Galgaduud iyo deegaano hoos taga.

Howlgalkaan ayaa ujeedkiisu ahaa sidii dhulka howdka ah ee ay ku ku sugan yihiin xubnaha ka tirsan Al-shabaab, isla markaana bulshada deegaanka loo gaarsiin lahaa amniga iyo dowladnimada.

Saraaksiiha ciidamada ayaa la kulmay dadka xoolo dhaqatada ah ee deegaanadaas iyagoo u sheegay in ay soo dhaweeyeen dadka degaanka,Saraakiisha ayaana la kulmay qaar ka mid ah dadka waxgaradka ah ee degaanadaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor