Wararka ka imaanaya Xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho ayaa sheegaya qof ku hubaysnaa Baastoolad in uu dilay Askari ka tirsanaa ciidamada dowladda iyada oo isla goobta lagu dilay ruuxii ka dambeeyay dilka Askariga.
Dad goobjoog ahaa ayaa dalsan u sheegay in dilku uu ka dhacay meel aan ka fogeyn hotel Lafweyn gaar ahaana Baar Faynuus waxaana la sheegay in isla goobta ciidamo kale ay ku dileen qofkaas hubaysnaa ee dilka ka dambeeyay.
Ciidamada dowladda ayaa gaaray goobta waxaana laga qaaday halkaas Meydadka labada ruux ee geeriyootay,shalay ayay aheyd markii sidaan oo kale ciidmaada amaanku ay gacanta ku dhigeen laba ruux oo dil ka geystay degmada Wadajir.