Ciidamada amniga oo howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka wada Baydhabo

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee ka howlgala K/galbeed ayaa maalmihii u dambeeyay magaalada Baydhabo ka waday howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa wadooyinka waa weyn ee soo gala magaalada Baydhabo waxay ku baarayaan gaadiidka soo gala magaalada, iyagoo ka hortagaya falalka lidka ku ah amniga ee ay soo maleegayaan Al-Shabaab.

Ciidanka oo feejignaan dheeri ah laga dareemayay ayaa waxay baarayaan dadka iyo gaadiidka soo gala magaalada Baydhabo, waxaana howlgalka si gaar ah looga sameeyay deegaanka Maaya-fuulka oo ah halka ay ka soo galayaan gaadiidka ka imaanaya magaalada Muqdisho ee ku socda magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah maamulka K/galbeed.

Mid ka mid ah Saraakiisha ciidanka nabad sugida ee ka howlgala deegaanada K/galbeed oo hoggaaminayay howlgal ayaa sheegay in ujeedka howlgalkan uu yahay mid lagu dagaalamayo Al-Shabaab oo inta badan soo maleega falal ammaanka lid ku ah oo isugu jira qaraxyo iyo dilal qorsheysan, islamarkaana lagu dhibaateynayo shacabka magaalada Baydhabo sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidanka.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media