Ciidamada Ammaanka oo howlgal ka bilaabay Dhuusamareeb

Ciidanka Ammaanka dowlad Goboleedka Galmudug iyo kuwa dowladda Federaalka ayaa xalay howlgal ka bilaabay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Ciidamo isugu jiray Boolis iyo Nabadsugid ayaa siwada jir ah u sameeyay howlgalka, waxaana Saraakiisha amniga ay sheegeen inuu ahaa mid lagu xaqiijinayo amniga Magaalada.

Sidoo kale inta uu socday howlgalka ayaa Ciidanka waxaa ay gaadiidka isticmaalayay Waddooyinka ku yaalla halkaas ay uga fiiqayeen Muraayadaha Madow ee ku xiran.

Wariyeyaal ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa sheegay in Ciidanka ay baaritaano kala duwan ay ku sameeynayeen dadka saaran gaadiidka noocyadiisa kala duwan.

Taliska Booliska Dhuusamareeb ayaa sheegay in la sii wadi doono howlgalada lagu sugayo ammaanka Magaalada, isla markaana ay iska kaashan doonaan dhammaan laamaga amniga.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa laga Mamnuucay hubka sida sharci darrada loogu dhexwato Magaalada iyo gaadiidka ay ku xiran yihiin Muraayadaha Madow.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media